Buugan waxa la dhahaa Think and grow rich. Waxa qorey qoraa reer maraykan ah.  Magaciisuna yahay Napoleon Hill. Waa qoraa si weyn wax uga qorey horumarinta nafta aadanaha. 

Buugan markuu qoraayey wuxuu waraystay in ka badan 500 qof, kuwaas oo ahaa hantiiyalaal ka soo bilaabay tacabkooda gunta. Waxa ka mid ahaa dadka uu waraystay ee caanka ah Henry ford, J.P Morgan iyo Thomas Alva Edison. 

Waxa buugan la qoray 1937-kii, ilaa maantana waa mid ka mida buugta ugu saamaynta badan majaalka horumarinta nolosha basharka. 

Qoraagu buuga dhexdiisa wuxuu ku lafo gurayaa xeerar kuu sheegaya waxaad qaban lahayd iyo sidaad u qaban lahayd, si aad u hesho waxaad jamanayso. 

Kaliya looma adeegsan karo xeerarkan helida lacagta, balse wax kasta ood nolosha ku taamayso inaad gaadho waad u adeegsan kartaa. 13 cutub ayuu buugu ka koobanyey. Si kooban ayaan mid walba u halacsan doonaa.


# DAMAC( DESIRE);

 THE STARTING POINT OF ALL ACHIEVEMENT( Bar bilowga dhammaan guulaha).

Rajayn iyo iska doonis sahlan laguma helo waxaad jamato, se doonis xoog badan ayaa ah albaabka koowaad ee shay kasta ood rabto gaadhistiisa. Rabitaan dhaba waa bilowga riyo kasta ka unkanto.  

Sida qofka madaxa dabku ka qabsado u raadsho biyo uu isku bakhtiiyo si la mid ah waa in waxaad raadinayso ugu hawl gashaa. 

Qoraagu wuxuu qaybtan aad ugu bal-balaadhinayaa farqiga u dhaxeeeya, inaad wax iska rajayso iyo inaad si xaqiiqaa u doonto diyaarna ugu ahaato.
Qofkuna damaciisa in ka badan ma gaadho.Helidda waxaad ku hawaawiyeyso, damac holcaaya waa in aad u haysaa.

Qiso ayuu qoraagu cutubkan dhexdiisa kaga sheekaynaayaa uu ku kaabaayo in doonista xoogani xataa duruufaha ay fursado u bedeli karto.

Wuxuu soo qaadanayaa wiil dhago la’aan  ku dhashay, se aan aqbalin xaaladaas uu dabaceeda nolosha kala kulmay, Doonistiisii xooganayd ee ahayd inuu wax maqlana u sahlayso inuu wax maqlo, kana nolol iy natiijo wacnaado  kuwa dhego qaba. 

Sheekada wiilkaas dhagoolaha ah waxay cadayn u tahay, hadii dabeecada noloshu ay carqaladeyn karto damaca noolaha, ay caqli gal tahay in nooluhuna damac holcaaya dabeecada ku qarqaladeyn karo. 


# RUMAYN (FAITH);

Yool kasta ood doonayso nolosha inaad gaadho, waa inaad aamintaa inaad gaadhi karto. 
Waa in aad yaqiinsataa in aad leedahay kartidii iyo karaankii aad ku hanan lahayd waxaad dalabto. Aaminaadu (faith) waa halka ugu saraysa maanka. Shucuurta aaminaada (faith) iyo jacaylka(love) 
 waa kuwa ugu awooda badan laxawyada togan.  
Adeegsiga aaminaadu waa u muhiim xaqiijinta yool kasta.


SIDEE AAMINAADADA (FAITH) KOR UGU QAADI KARTAA?

Aaminaadaada waxaad  kor ugu qaadi kartaa adoo si ku talo gal ah ugu cel-celiya waxaad u hamuun qabto, si maskaxdaada qaybta huruda (Subconscious mind) uga dhaadhicisid.

 Maskaxda qaybta hurudaa wax kasta oo loo gudbiyo way qaadataa shar iyo khayrba, se ku celcelin joogto ah ayey wax ku aqbashaa. 
Ku cel-celintu waa qaabka ugu wanaagsan ee dalabyadaada uga dhaadhicin kartid maskaxdaada si aad aaminaad dhaba u hesho. 

Aaminaadu waa waxa ugu weyn ee go’aamiya ficilada ka soo fulaayaa maskaxdaada qaybta huruda (Subconscious mind). Hadaba khiyaamo yar aad isticmaali karto ayaa ah inaad metasho adoo gaadhayba halkaad doonaysay. 

Hadaad cilmi rabtay, u dhaqan sida culimada, hadaad lacag rabto u hadal sida hantiilayaasha, markaas maskaxdaada qaybta hurudaa ma kala saari karto waxan ma runbaa mise waa been, waxaana dhismaaaya aaminaad ah inaad gaadhi karayso shaygaas aad suureysatay. 

Aaaminaadu waa dawo qarsoodii ah oo ku siin karta awood iyo tamar aad fikradahaaga ugu bedeli karto ficil muuqda. 


QAACIDADA KALSOONIDA NAFTA:

1)    Samayso hadaf cayiman iyo qorshaha cad. Naftaad ka dalab dhabar adayg iyo ficil joogto ah.

2)   Sawiro 10 daqiiqo ilaa 30 daqiiqo qofka aad doonayso inaad noqoto. Sawir maskaxeed ka abuuro ruuxa aad ahaanayso.

3)   Si ku talo gal ah ugu cel-celi waxaad u baahi qabto inaad hesho. 

4)   Qor qoraal faah-faahsan oo qeexaaya hadafkaaga. Akhri ugu yaraan laba jeer, sida markaad sii seexanayso iy markaad soo kacdo. 

5)  Yaqiinso mansab iyo maalba ma waaro, hadii aanu run iyo cadaalad ku dhisnayn. Iska saar nacaybka, hinaasaha, danaysiga iyo in hadafkaaga gaadhistiisa cid kale u dulmido. Xumaan oo dhami Badhaadahe ma keento. 

Malayso waxaad jamatay. Aamin ruux gaadhi kara inaad tahay. Qorshe cad jeexo. Ficilow la imow. Raac qorshahiii aad degsatay.


# TAKHASUS AQOONEED YEELO( SPECIALISED KNOWLEDGE);

Laba nooc oo aqoon ah ayaa jira. Aqoon guud iyo aqoon takhasus ah. Yeelo aqoon takhasus ah si qiimahaagu kor ugu kaco. Qoraagu 1930-neeyadii iyada oo la joogo ayuu lahaa lahow aqoon takhasus ah si suuqa qiimo uga yeelato, maanta oo la joogo 2023 maxaad u malahayn? Maanta aqoontu wey balaadhatay. 

Qayabaheeduna bateen. Markaas inaad lahaato majaal sanado badan aad galiso waa muhiim si aad ugu noqoto khabiir loo daba fadhiisto. 

Sida aqoonta loogu baahanyey, si la mida waa in la isticmaalaa, laguna fuliyaa ahdaaaf. 
Aqoontuna qiimo badan ma laha hadii aan la adeegsan. Waana sababta ardayda cusub ee jaamacadaha ka soo baxdey, looga door bido kuwa aqoonta ku soo shaqeeyey  markay shaqada timaad. 

Dadka wax kasta oo ay qabtaan guul ka gaadhay ma joojiyaan inay bartaan aqoon la xidhiidha shaqadooda, xirfadooda ama ganacsigooda. Kuwa aan guulaysana khaladka ay galaan ayaa ah, in ay aaminaan wakhtigii aqoon qaadashadu inay dhamaatay hadii dugsigii ama jaamacadii laga qalin jabiyey. 

SIDEE TAKHASUS U SAMAYSAN KARTAA?

Marka kowaad garo nooca aqoona eed u baahi qabto, ujeedada aad ugu baahantayna waadix ha kuu ahaato. Kadib raadi ilaha aqooneed eed ka heli karto. 

Waxaad cilmiga ka heli kartaa qof majaalkan kaaga soo horeeyey khibrad sanado ahna leh. Jaamacad aad gasho. Akhrinta buug ku wanaagsan mawduucaad doonayso. Ama iibsiga koorsooyin.


# MALA’AWAAL ( IMAGINATION);

Waxa la dhahaa aadmuhu wax kasta oo uu mala’awaalan karo waa samayn karaa. 
Shay kastaa ka hor inta aanu noqon mid jira wuxuu ahaa mid mala’awaala, kadib ayuu xaqiiq isku bedelay. Hadda aaladan aad ka akhrinayso qoraalkan, ka hor intaany noqon shay jira oo la isticmaalo qof ayaa sawirtay. 

Mala’awaalka laba ayaa loo qaybiyaa. Mala’awaal ku dhisan aqoon, khibrad iyo qorshayaal aad hore u taqaanay si loo abuuro shay cusub (synthetic imagination) . Kan labaadna waa mala mala’awaal hal abuureed ( creative imagination), waana halka fikradaha iyo xeerarka cusub ay dadku ka helaan. Mala’awaalka hal abuurku wuxuu xoog u shaqeeyaa marka laxawyo (emotions) lagu ladho.

Qaybtan waxa ugu weyn ee uu qoraagu ku sheegaayo ayaa ah, in qofku sawirto wuxuu doonaayo ama mala’awaasho ka hor inta aanu isku dayin ficil inuu u bedelo. 

Tusaalayaal wuxuu usoo qaadanaaya ragii walaalaha ahaa ee la odhan jiray wright brothers ee diyaaradii u horeysay kiciyey 1903. Wright brothers waxay mala’aawaasheen inay duulaan (kiciyaan diyaarad)  iyada oo aan aduunka shimbir mooyee cid kale duulin. Weyna duuleen. 

Thomas Edison nal iftiima aduunka iyada oon ruuxna aqoon ayuu mala’aawashay, kadib ayuu sameeyey. Sidaas si la mida wax kasta ood rabto waa in aad mala’awaalan kartaa.


# NIDAAMSAN ( ORGANIZED PLANNING);

Mala’awaalasho iyo damac dhaba waa iridaha koowaad ee waxaad rabto helistiisa. Si kasta ood u mala’awaalato shay, wey adagtay inaad gaadho hadii anaad qorshe ficileed u dejisan. 

Qorshaha koowaad eed dhigatay si dhamaystiran hadafkaaga hadaanu kuu gaadhsiin bedel. 

Hadana bedel kaas cusubna hadii uu kuu shaqayn waayo. Sidaas ku wad ilaa aad hesho qorshe si wanaagasan kuugu shaqeeya. Qorshe bedelidu waa halka dad badani ku guul daraystaan. 

Ma jirto sabab aad iskuugu sii nabto qorshe aan shaqaynayn. Thomas Edison wuxuu guul daraystay 1,000 jeer markuu ikhtiraacaayey laambada. Marnaba muu bedelin yoolkiisii ahaa samaynta laambada, se wuxuu mar walba bedelaayey qorshe ficileedka. Markaas ha bedelin yoolka ee bedel qorshaha hadii uu kuu shaqayn waayo. 

Ugu Dambayn waxan rajaynayaa inaad waxuun ka faa'iidey koobida buugan 
Ood Noloshaada waxuun Kagaba dali doonto Ood iska dhaafi doonto Habka dadban eed u fikirayso Eee saboolnimada!

MAHADSANIDIIIN:)