👉SAMEYSO WAQTIGAAGA(MAKE TIME)

Inaad Samaysato waqtigaga, maaha inaad jebisaa liiskaaga wax-qabadka, Ee waa wanaajinta saacad kasta, ama sare u qaadida wax soo saarka shakhsi ahaaneed.
 
Waxay ku saabsan tahay dib u eegista khaladaadka mashquulka joogtada ah iyo mashquulinta si aad diiradda u saarto waxa muhiimka ah maalin kasta.





Odhaahyada Qorayaasha buuga(Make Time); Jake and John







Waxaan nahay Jake iyo John.Waxaynu nahay bini'aadam caadi ah, oo walwala,mashquula sida dadka kale.

Labadeenaba waxaan ka shaqaynaynay warshadaha tignoolajiyada muddo dheer. 
Shaqadu waxay ahayd mid xiiso leh oo faa'iido leh, laakiin dhaqanka had iyo jeer ku xiran iyo jadwalka kulanka dib-u-celinta ayaa waqti yar ka tagay mudnaantayada Markaa waxaanu go’aansanay inaanu wax ka qabano.
 
Waxaan qaadanay wixii aan ka baranay naqshadeynta appska sida Gmail iyo YouTube, waxaana la nimid habab fudud oo lagula dagaallamo mashquulinta oo aan dib ula wareegno xakamaynta. 

Waxaan eegnay guusha geeddi-socodkeena naqshadeynta, waxaanan aragnay mabaadi'da qof kasta uu codsan karo si uu uga faa'iidaysto waqtigooda.

Waxaan bilownay inaan tijaabino caadooyinkeena, anagoo isku daynay inaan waqti u samayno waxa muhiimka noo ah. 

Waxaan tijaabinay boqolaal xeelado ah, waxaanan soo qaadannay qoraalo ku saabsan waxa shaqeynaya. Natiijooyinkayaga waxaan kula wadaagnay social mediaga waxaana ka codsannay akhristayaasha inay noo sheegaan waaya-aragnimadooda.

Waxaan baranay inay suurtogal tahay in dib loo habeeyo wakhtigaaga-si aad u hesho feejignaan dheeraad ah, fiiro gaar ah, iyo tamar wanaagsan oo loogu talagalay waxyaabaha adiga kugu khuseeya maalin kasta.


#SIDUU USHAQEEYO SAMEYNTA WAQTIGA;

Sameynta waqtiga Ma aha qorshe hal-cabbir-ku kooban. 
Waxaan rabnay in aan ka dhigno waqti ka duwan: ka dabacsanaan. Ku salaysan cafis iyo Saaxiibtinimo,waxay ku salaysan tahay afar tallaabo oo aad u fudud,Waxaad gabi ahaanba joojin doontaa beldaraynta waqtiga badan iyo waxyalaha malayacniga ah eed ku bixiso waqtigaaga inta ogu badan sida akhrinta farimaha kala duwan iyo ka falcelinta maqaalada yaala socia media yaha.





1. Iftiimin: Ku bilow maalin kasta adiga oo dooranaya mudnaanta;

Iswaydii "Maxay noqon doontaa waxa ugu muhiimsan ee maalintayda?" waxaad hubisaa inaad waqti ku bixiso waxa adiga kuugu muhiimsan oo aadan lumin maalinta oo dhan ka falcelinta mudnaanta dadka kale.

2. Diirada: ka takhalus mashquulka si aad waqti u hesho;

Waa inaad ka fogaataa wax kasta oo kugu keenaya lunsanaan ama kaa khasarinaya waqtiga
Taas badalkeeda waxaad nafdata u abuuraysaa cadooyin cusub si'aad oga takhalustoo luminta waqtigaaga.
Si'aad oga hortagto luminta waqtiga waxaad isku daydaa inaadan arooti markaad soo kacdoo eegin moble kaga kana fogaato sacadaha horre ee subaxdada social mediayah.

3. Tamar: Isticmaal jidhka si aad dib ugu buuxiso maskaxda;

Buugu qaybtan wxuu kaga hadlayaa tamarta maskaxda iyo waliba tamarta jidhkaa,waa inaad Tamar ahaaan aad tahay qof dhinac kasta kadhisan sida:

Jimicsiga,inaad sameysid dhaqdhaqaaq(movement) ogu yaran malintii 20-30 daqiiqo waxay Kacawinaysaa inaad noqoto qof maskax ahan iyo jidh ahaanba dhamaystiran oo firfircoon.

Cuntada,ilaali waxaad cunayso,hanoqon qof wax kasta iska cuna control cuntadada waayo Cuntadadood hagajisaa waa cafimaaad kagaga oo hagaaga.

Hurdada,hagaaji waqtiga huradada isku day inaad xili hore seexatoo si'aad usoo kacdoo xili Hore,ka fogoow dhaman waxayaalha kaa habsaminayaa hurdadaada,
Sida Moble ka, laptop ka iyo wixii la halmaala oo kuu diidayaa hurdada.


4. Milicso: Hagaaji nidaamkaaga;

Ugu dambeyntii, ka hor intaadan seexan, waxaad qaadan doontaa go'aano dhowr ah. Aad ayey u fududahay: Waxaad go'aansan doontaa cadooyinka aad rabto inaad ku sii socoto iyo kuwa aad rabto inaad badasho ama aad tuurto,ood wax kasta waqtigiisa iyo wuxuu u qalmo siindoonto.



Waxaad isku daydaa, Inaad Sameeysato waqti, wuxuu noqon doonaa nidaam maalinle ah oo ku habboon caadooyinkaaga iyo dhaqankaga gaarka ah, maskaxdaada, jidhkaaga , yoolalkaaga Iyo mudnaantaada gaarka ah.