XIKMADO DHIRIGALIN AH



#Qaybta Kobaad;

1 Saaxiibtinimadu ma aha qofka aad waqtiga ugu dheer taqaanay. Saaxiibku waa qofka intuu kuu yimaado ku yiraahdo; anigaa halkan kuu jooga oo ku garab taagan, ficilna ku cadeeya


2. Ka faa'iideyso oo si fiican u isticmaal waqtigaaga. Dib waad u aqrisan kartaa qoraal, fariin ama Buug, Waad ku soo ceshan kartaa video muuqaal ah ama mid dhageysi ah laakiin ma jiro Aduunka nidaam dib kuugu soo celin kara Waqtigi ku dhaafay ee aadan isticmaalin ama ka faa'ideysan.


3. Haddii qof si dhab ah u rabo in uu qeyb ka noqdo Noloshaada, waxay si dhab ah u sameynayaan dadaal si ay ugu soo biiraan. Nolol la wadaagayo ma aha wax la jili karo ama afka keliya laga sheegi karo.


4. Wanaag ku bedel xumaan kasta, dhoola cadee goortii aad murugeysan tahay, ku qanacsanow halka aad joogto iyo waxa aad heysato. Had iyo jeer cafi cid kasta. Ogow dadku way is bedelaan, qaladaad waa dhacaan, laakiin xusuusnow noloshu waa soconaysaa.


5. Dadka qaarkii waa sidi daruurta oo kale, goortii ay kaa tagaan waxay kuu noqotaa maalin qurxoon.


6. Mar kasta aad ka shakido ilaa heerka aad gaari karto, xusuuso ilaa inta aad soo socotay, waxa aad ka soo gudubtay, dagaalada qarsoon naftaada ee aad ku soo guuleysatay iyo dhamaan cabsidi aad ka soo adkaatay.


7. Xiriirku kuma xirna Da'da, masaafo fog, isu dhowaansho, kala maqnaansho iyo in la is waco daqiiqad kasta maalinti. Waxaa muhiimka ah waa in la helaa Aaminaad iyo daacadnimo. Aaminaada gabadhaha ee ninkeeda iyo Daacad ahaanshaha ninka ee gabadhiisa.


8. Dadku ma oga oohintaada, Dadku ma oga murugadaada, Dadku ma oga xanuunkaaga, balse waxay dhamaan ogaadaan goortii aad hal qalad sameyso. Laakiin Alle SWT ayaa og Ilin kasta oo indhahaaga ka timaada, wuxuuna kaa cafiyaa qalad kasta oo aad sameysay. Ha rajo dhigin.











#Qabta Labaad;

1. Faynuusku ma hadlo, waxuu isku soo bandhigaa iftiinkiisa, kuwa guuleystay marnaba ma aha inay naftooda Buun-buuniyaan,balse wax qabadkooda ayaa la rabaa inuu soo bandhigo oo hadlo.


2. inaad ka quusato hadafkaaga Nolosha ha caqabad darteed waxay ka dhigan tahay inaad saddexda taayar ee gaariga iska saartid sababtoo ah ha taayar baa kaa banjaray, fariistay.


3 . Hadii aad wada siiso Qalbigaaga Qof, way dhaawacayaan, wada sii qalbigaaga ALLE SWT , isagaa kuu toosinaya, kuna xoojinayaa.


4 . halka aan ka soo jeedno iyo duruufaha inagu heeran waxa laga yaaba in ay saameyn ku yeeshaan naftaada, Laakiin adiga ka mas'uul ah Qofka aad noqoneysid.


5. Mararka qaar waxaa noloshaada ku soo biira dad gaar ah kuwaas oo hoos kuu dhiga, kuna dhibaateeya, si Alle SWT kuu baro in aad u noqotid iyo in aadan cidna ku tiirsanaan aan alle ka ahayn.


6 . ducada aad sameyso kolka aad sujuudsan tahay waa waxa Qalbigaaga sida dhabta ah u rabo, waa meesha keliya aysan fikradahaagu ka awood badin karin dareenkaaga.


7 . Goortii aad u qaadato in aduunyadaadi dhamaanayso , ha is dhiibin. kor eeg, ka dibna dhoolacadee, sababtoo ah alle ayaa markale iimaankaaga tijaabinaya.


8: Marnaba ha yareysan naftaada, hadii weynaan iyo xoog wax taraan maroodiga ayaa ahaan lahaa Boqorka xayawaanka! Laakiin waxaa ah Libaax oo cudud iyo Cabirba Ka yar.


9: Guusha dadka kale ma aha adiga guuldaradaadaama fashilkaaga, marnaba ha ka xumaan qof kale guul uu gaaray, Is diyaarin, dadaal badan, doonid joogto ah, Dulqaad & Duco ayaa inta badan ah sababaha guusha.


10. had & jeer ku duceyso in aad hesho indho ka arka dadka waxaa ugu wanaagsan, Qalbi cafiya waxaa ugu xun ee lagu sameeyo, maskax hilmaanta wax kastoo xun, iyo ruux aan marnaba lumin rumeynta&, Iimaanka Rabigeed.


11. Marnaba ha u oggolaan in qof ku liido ama ku dareensiiyo in aadan qiime lahayn, alle wuxuu kuu abuuray ujeedo cad, alle ayaana ku karaameeyay.


12: ha ka cabsan cadowga ku soo bareera oo ku soo weeraray, laakiin iska ilaali saaxibka Beenta ah eee hab ku siiya.


13: Ka taxadar Aaminaada aad bay u jilicsan tahay una Jabi ogtahay. Goortii ay jabto waxaa ka dhalan kara Baaba',. way adag tahay in dib loo kasbado. xaqiiqdii marnaba ma ahaaneyso sideedi hore.


14: Alle SWT ha kaaga jawaabo ducadaada gaarka kuu ah, ha masaxo ilinta kaa timaada adigoo keligaa ah, ha baabi'iyo waxaa aad ka cabsato ee Sirta kuu ah, hana ku gaarsiiyo halka aad rabto in aad gaarto ee gudahaaga ka guuxaya, nolosha farxad hakaga dhigo, cibaado suuban, camal wanaagsan iyo cimri barakysana hakusiiyo intaad nooshahay .


MAHADSANDIIN🙏