WAX  AKHRISKA;



Waxbarashadda nooc walba ay leedahay, hadday tahay barashadda Afafka , Xisaabta iyo Sayniska waxa ay kaaga xidhan yihiin wax akhriska. Cilmigu wuxu ku kaydsan yahay buugta sida kaliya ee aad kala soo dhex bixi karto Aqoontaa ku duugan buugaagta waa adiga oo akhris badan sameeya

Akhris la’aantii wax ma baranaysid , aqoontaad leedahay waxay ku xidhan tahay kolba inta aad akhriday, inta aad akhriday ayaad taqaan.

Akhrisku waa nafaqadda la siiyo maskaxda bini’aadamka, akhrisku wuxu balaadhiyaa garaadka, garashadda iyo qofka.

Haddii cuntadu jidhka quudiso, akhriskuna wuxu kobciyaa caqliga iyo fahanka qofka.

👉Allah [Aayaddii uu usoo hordajiyay Qu’aanka] waxa ay ahayd (Akhri~ اقرا ) Wax’akhriska waa keyd, keydkana waxaa ku jirta hanta. Balse, keydkaa waxaa jirta cid aan akhriyin. Aayadahaasi waxa ay xidhiidh ka dhexaysiiyeen wax’akhriska iyo hantida fekereed. Nasiib malaha ummadda aan waxba akhriyin. 


#Fa’iidooyinka wax akhrisku leeyahay oo kooban;

1: Akhrisku wuxu ka jarayaa dabaradda jahliga iyo gaajadda, marba marka ka danbaysa ee aad wax-akhridid waxa ka sii baxaysaa jaahilnimaddii aad maxbuuska u ahayd.

2: Hanashadda akhriska waxa ay qofka ka xoraysaa cidhiidhiga dhuleed iyo wakhti, oo qofka dhul badan oo uuna gaadheen ayuu akhris ku gaadhayaa, wakhti uuna noolayna ummaddii joogtay ayuu waayahooddii akhrisanayaa.

3: Akhrisku waxa uu kobciyaa xusuusta qofka, wuxuna daawo u yahay cudurka dadka waawayn ku dhaca “Asaasaqnimada ”

4: Akhriku waxa qofka ku abuuraa in uu wax mala-awaali karo.

5: Akhrisku wuu ku horumarinayaa wuxuna kaa caawinayaa in aad gaadhid guulo badan oo aad ku hammiyaysay.

6: Akhriska waxa aad kaga dhuuman kartaa walwalka iyo dhibaatadda inaggu lamaan, buug aad akhrido ayaa ku ilowshiisanaya wixii ku haystay oo kuu sawiraya duni kale oo xasiloon oo aad ku raaxaystid.

7: Akhriska waxa aad ka helaysaa macluumad badan oo aad kaga jawaabtid daruufaha nololeed ee ku haysta. Waxa uu ku siinayaa fikraddo cusub oo aad kaga baxdid daruufaha kolba ku haysta.

9: Waxa aad ka helaysaa caqli cusub iyo murti cusub oo aad wax ku abuurtid, buugta waxa ku kaydsan afkaaro iyo aqoon wixii dunidan soo martay.

10: Akhrisku waxa aan suuro-galka ahayn ayuu suuro-gal ka dhigaa, waxa uu ku fududaynayaa qabashadda waxyaabo aad lahayd suuro-gal maaha ama aan caqligaaga soo galin.






Maah maah ingiriisiya ah baa tidhaa ‘'Hal buug oo fiican oo aad akhridaa waxa ay la mid tahay sidii aad adigu dib u qortay buugaas ,haa waa run, haddii aad buugaas dhuuxday, oo aad si fiican u fahantay , xikmaddii

ku jirtayna kala soo dhex baxday, miyaanad lahayn aqoontii uu lahaa qoraagaasi adiga oo ilaalinaya xuquuqda qoraaga oo aanad sheegan aqoontii aad ka soo daalacatay. Mid kalena waxay tiraahdaa

‘Haddii aad akhridid buugaag fiican waxa ay la mid tahay adiga oo la doodaya mufakiriintii iyo aqoonyahanaddii dunidan soo maray,

haa waa dhab, akhristuhu waa sidii qof isku dayaya in uu la sheekaysto oo xaal waraysto mufakiriintii iyo aqoonyahanaddii dunidan soo martay kuwii dhintay iyo kuwa noolba oo ayna suuro gal noqoteen la kulankoodu.

Umadda wax akhridaa waa ummad horumarsan oo ka xadaarisan ummadaha kale, ummadaha horumaray waxa ay caan ku yihiin maalgalinta aqoonta iyo goobaha akhriska.

Ummadaha dibu dhacayna waxa lagu gartaa in aqoonta iyo goobaha akhriska ayna daryeelin oo maaliyad yarna u qorsheeyaan goobaha waxbarasho. Ummadda aan caruurtooda iyo dadkooda ku barbaarin akhriska waxa ay u nugul yihiin in ay ka dhacaan horumarka dunidan ka socda. Ummaduhu siday u kala horumarsan yihiin waxa lagu qiimeeyaa Literacyga (inta wax akhrida iyo inta aan waxba akhrin).

Cilmi baadhis laga sameeyey dadkii ugu caqliga iyo aqoonta badnaa aduunkan soo mara ayaa waxa lagu


 Sidee  ayay wax u akhrin jireen dadkii hore;

# Ibnul Qayim Al Jowzi (Alle ha u Naxariistee) wuxuu akhriyey inta uu yaraa 20kun oo kitaab inta uusan caalim noqon,

Markii la gubay Maktabadii Ibna Xazam wuxuu yidhi haddii aad gubteen kutubteydii ogaada waan xifdisanahaye.

# Sidoo kale Imam Nawawi (Alle ha u Naxariistee) sadex sano ayuu fadhiyey asagoo akhris uun ku jira.

# Sidoo akle Imam Bukhari (Alle ha u Naxariistee) wuxuu ahaa mid habeenkii soo kaca toban jeer in ka badan, wuxuuna shidan jiray faynuuska/musbaaxa si uu u qoro faa’iido kusoo dhacday, kaddibna wuu damin jiray feynuuska, haddana wuu soo kici jiray wuxuu shidan jiray feynuuskiisii, Wuxuuna qori jiray wixii kusoo dhacay kadibna damin jiray feynuuska, marar badan.

# Sidoo kale Ibnu Qayim Al Jawsi (Alle ha u Naxariistee) ayaa wuxu ku sheegayaa kitaabkiisa Rowdatu Almuxibiin “waxaan aqaanaa ayuu yidhi qof qaba Suuxdin (waa cudur uu qofka luminaaya miirkiisa) marka uu soo miiraabo akhriskiisa sii wata, markuu miir doorsoomo kitaabka ayuu ku dhacaa, illaa uu u yimaaddo dhakhtarku kuna yidhaahdo waxa xanuunka kugu sii kordhinaya waa akhriskee iska jooji.

# Arintaa mid lamida waxay ay qabsatay Sheekh ibnu taymiyah (Alle ha u Naxariistee) isagoo aad u xanuunsanaaya ayuu akhris ku guda jiray, waxaa u yimi dhakhtar wuxuu yidhi Sheekh iska yaree akhriska, beryaahaan iska jooji. Wuxuu Sheekh Ibn

Ugu dambayn waxan rayanayaa inad fahan buuxa ka heshay wax akhriska iyo faaiidada uu uleeyahy Qofka bini'aadamka ah maskaxdiisa iyo Noloshiisaba 
Waxaad Taqaanaa waa waxaad Akhrisaaa 

Ka Faiidayso waqtigaaga!

MAHADSANIDIIN🙏